Tababarkaan ayaan aheyn kii ugu Horeeyey ee Dalka jabuuti lagu Qabto waana dufcadii 22,aad ee ka tirsan ciidanka Daraawiishta boliiska Soomaaliyeed oo tababar xirfadiisu sareysa ku soo qaatey Dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.
Ugu danbeyn, Taliye xigeenka ayaaa uga mahadceliyay macalimiinta fulisay Tababarkaas oo ay ugu Horeeyaan Ciidanka Boliiska Dalka Jabuuti oo kaalin Lama ilaawaan ah kageystey fulinta Tababarkaan Taliye Kaniif Ayaa sidoo kale u mahadceliyey Dalka Taliyaaniga oo kaalin muuqata ka geystey taageerida Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed
Ciidanka tababarka Soo dhameystey ayaa Ka qeyb galidoona Dagaalka Lagu ciribtiraayo Kooxaha Khawaariijta ee dulaanka ku ah dhiiga umadda soomaliyeed waxay si degdeg ah ugaaridoonaan goobaha ay hada ku sugan yihiin ciidanka daraawiishta Boliiska Soomaliyeed si loo sii wado howlgalada ka dhanka ah Al shabaab