Heemaal News Network

Israa’iil Oo ku Dhawaaqday inay Wajahayso Xaaladd Halis ah

Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay wajahayso xaaladdii ugu sarreysay ee dabiici ah, kaddib markii dab si dhaqso ah u faafaya uu qabsaday buuraha ku hareeraysan magaalada Qudus, gaar ahaan keynta Eshtaol, iyagoo mar horaba saraakiisha Israa’iil ay sheegeen inuu dabku yahay midkii ugu weynaa ee qabsanaya dhulka ay maamullaan, tan oo keentay inay Israa’iil dalbato kaalmo caalami ah, qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa billaabay inay ku taageerraan sidii dabkan lagu damin lahaa.

Ma xaqiijin Israa’iil, waxa dhaliyay dabkan, balse warbaahinta Israa’iil qaarkood ayaa la xiriiray ficil ay ka dambeeyaan Falastiiniyiinta, xilli maanta ay Israa’iil u dabaal-deggayso maalinta ay u aqoonsantahay ‘maalinta qaranimada.’