Heemaal News Network

Mareykanka iyo Ukraine oo kala saxiixday heshiis cusub

Mareykanka iyo Ukraine ayaa kala saxiixday heshiis muhiim ah oo Mareykanka uu ku helayo macdanta Ukraine, iyadoo tan ay Ukraine ku beddelanayso inay taageerro ka hesho Mareykanka iyo hirgelinta sanduuqa maalgelinta dib u dhiska Ukraine, balse heshiiskan kuma jirto dammaanad amni oo Ukraine ay ka heli karto Mareykanka.

Ukraine waxay leedahay qiyaastii 5% ka mid ah keydadka macdanta muhiimka ah ee dunidda, oo loo isticmaalo qalabka elektarooniga, baabuurta korontada iyo hubka militari.

Trump, waxaa ku dheeraatay inuu joojiyo dagaalka Ukraine, isagoo xataa tanaasul badan u sameeyay Putin, waxaana hadda soo baxday kaddib markii Ukraine uu ka helay heshiiska macdanta inuu u fasaxay kaalmadii u horreysay ee milatari oo uu joojiyey tan iyo markii uu xafiiska ku soo laabtay

Tallaabadan ayaa muujinaysa inaysan Trump u muuqan si dhaqso ah oo dagaalkan lagu joojin karo iyo hab uu ku hagaajin karo xiriirka diblomaasiyadeed ee Ruushka, taana waxay hadda soo muujisay inuu dib u hagaajinayo xiriirkii reer Yurub ee uu uga tagay , si kalsooni uu uga helo Putin.

Heshiiskan, oo bilooyin badan oo wadahadallo adag laga lahaa, ayaa dhisi doona Sanduuqa Maalgashiga Dib-u-dhiska Mareykanka iyo Ukraine.

Madaxweyne Trump wuxuu guud ahaan heshiiska u soo bandhigay in Ukraine ay “dib u bixiso” gargaarkii Mareykanku siiyay tan iyo markii Ruushku uu weerarka ku qaaday dalkaas bishii Febraayo 2022-kii

Waa heshiiskii ay isku maandhaafeen madaxweyne Trump iyo Madaxweyne Zelenisky kulankoodii dhowaan ka dhacay Aqalka Cad ee indhaha caalamka soo jiitay.