Gabar yar oo magaceeda lagu sheegay Janan Saleh al-Sakafi ayaa nafaqo darro iyo fuuq bax ugu geeriyootay Isbitaalka Rantiisi ee galbeedka magaalada Gaza, in ka badan labo bilood kaddib markii ay bilaabatay go’doominta Israa’iil ee marinka Gaza, sida ay sheegeen kooxda Aljazeera ee goobta ku sugan.
Xafiiska warbaahinta ee Gaza ayaa sheegay in ugu yaraan 57 Falastiiniyiin ah ay gaajo ugu dhinteen deegaanka go’doominta awgeed, iyaga oo ku booriyay beesha caalamka inay qaadaan tillaabo lagu xaqiijinayo furitaanka xuduudaha.
Aljazera ayaa sheegtay in Ciidamada Israa’iil ay xaqiijiyeen in ay qaadeen mowjado weeraro cirka ah oo ka dhacay Suuriya fiidnimadii Jimcaha kaas oo dilay ugu yaraan laba qof oo rayid ah, iyaga oo ku andacoonaya in bartilmaameedyadu ay ahaayeen “goob militari, madaafiicda lidka diyaaradaha, iyo kaabayaasha gantaalada hawada ee Suuriya”.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 52,495 falastiiniyiin ah waxana ku dhaawacmay 118,366, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee deegaanka.
Xafiiska Warbaahinta ee Xukuumadda Gaza ayaa tirada dhimashadu kor u dhaaftay 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.
Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay bishii Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.