Madaxweynaha Burkina Faso, Captain Ibrahim Traoré, ayaa ku dhawaaqay in waxbarashada dalka laga bilaabo heerka xannaano ilaa jaamacad laga dhigay bilaash, taasoo ka dhigaysa Burkina Faso dalkii shanaad ee caalamka sidaas sameeya, kadib Brazil, Argentina, Greece, iyo Slovenia.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo waxbarashada dalka, iyadoo la dhisayo 44 dugsiyo sare oo casri ah, 10 xarumo tababar farsamo, iyo 39 hoolal jaamacadeed oo cusub.
Sidoo kale, waxaa la qorsheeyay in la furo 308 dugsi cusub oo ku yaalla deegaanadii laga xoreeyay kooxaha hubeysan, si loo hubiyo in dhammaan carruurta dalka ay helaan fursad waxbarasho.
Madaxweyne Traoré ayaa sheegay in waxbarashadu tahay furaha horumarka dalka, isagoo xusay in la dhisayo jaamacado iyo xarumo tiknoolaji si loo yareeyo tahriibka maskaxda (brain drain) loona dhiirrigeliyo aqoonyahannada dalka inay ku shaqeeyaan gudaha.
Dhinaca kale, taliyaha AFRICOM ee Mareykanka, General Michael Langley, ayaa dhaliilay hoggaanka Burkina Faso, isagoo ku eedeeyay Madaxweyne Traoré in uu si gaar ah uga faa’iideysto kheyraadka dahabka dalka.
Eedeyntan ayaa dhalisay dibadbaxyo ballaaran oo lagu taageerayo Traoré, iyadoo shacabka Burkina Faso ay muujiyeen taageeradooda buuxda ee hoggaanka cusub.
Tallaabadan waxbarasho ee bilaashka ah ayaa loo arkaa mid dhiirrigelinaysa horumarka bulshada, iyadoo la rajeynayo in ay kor u qaaddo heerka aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada dalka.