Heemaal News Network

Roob Caawa Hargaysa ka Da’ay Ayaa Sobobay Dhimashada Sadex qof .

Alle ha U naxariistee Sadex qof ayaa Ku Geeryooday, kadib markii uu qaaday daad Marayay biriishka xaar-wadda ee Degmada Maxamuud Haybe, Gaadhiga daadku qaaday ayaa ahaa xaajiyad nooca hilux-ta ah.

Gaadhiga oo kaliya ayaana hadda Lagu arkaa badhtamaha biriishka, halka dadkii dooxa biyaha marayaa qaateen Ilaa Haadana la Helin Maydkooda.