Heemaal News Network

Iran Oo Maanta Heshiis la Xiriira Wadaaga Sirdoonka la Gaartay Itoobiya

Iran ayaa maanta heshiis la xiriira wadaaga sirdoonka , ka hortagga dambiyada ka dhaca xadduudaha iyo kor u qaadista awoodda tababbarka iyo isdhaafsiga khibrada la gaartay Itoobiya , kaddib booqasho uu Addis Ababa ku tagay taliyaha guud ee ciidanka Booliiska Iran , Jen. Ahmad Reza Radan oo heshiiska la saxiixday dhiggiisa taliyaha Booliiska Itoobiya, Jen. Demelash Gebremichael.

Booqashada saraakiisha amniga Iran , ayaa ku soo aadday xilli uu Addis Ababa ku sugnaa; wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, oo dhankiisa wadahadallo sare lagu qaadayo Iskaashiga amniga la yeeshay hoggaanka sare ee Itoobiya oo uu ku jiray Ra’iisul wasaare, Abiy Axmed. Waxaa ka horreysay heshiis bishii Maarso ay wada gaareen Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta oo la xiriira Iskaashiga amniga, wadaaga xogaha sirdoonka iyo khibradaha hay’adaha ammaanka oo Booliisku ugu horreyo.

Heshiisyada Itoobiya ay la galayso dalalka iska soo horjeeda ee cadowga isku ah, ayaa ah tallaabo ay xukuumadda Abiy Axmed , ku muujinayso sida ay u maareynayaan siyaasadda arrimaha dibadda , ee ay ka muuqato madax bannaanida, iyadoo dhinacyada oo dhan iskaashi lala yeelanayo.

Abiy, waxaa lagu xasuustaa sida uu u maareeyay, markii maamulkii Farmaajo ee Soomaaliya uu qaaday tallaabooyin ka dhan ah Imaaraadka Carabta , markaa oo Abiy uu awooday inuu labada dhinac isku heysto , si ay ka muuqatay iskaashi heer sare ah.