Heemaal News Network

Shirkada Turkiga Ee TPAO Oo Shaacisay Helitaanka kayd Gaas Dabiici ah Oo laga Helay Xeebaha Somaliya

Shirkadda Turkish Petroleum Corporation (TPAO) ayaa ka heshay kayd gaas dabiici ah oo ganacsi ahaan loo isticmaali karo laba ceel oo tijaabo ah oo ay dhawaan ka furtay goobaha loo xilsaaray.

Warkan waxaa shaaciyay warbaahinta Turkiga ee TRHaber, taas oo sidoo kale xustay in baaritaanno wali ka socdaan ceelkii saddexaad.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in durba ay jiraan calaamado muujinaya in kayd badan oo hydrocarbons ah laga helay goobahaas.

TPAO ayaa qorshaynaysa in ay qoddo tobanaan ceel oo kale bilaha soo socda, marka la soo gabagabeeyo baaritaannada seismic-ka ee socda.

Seddexdan qaybood ee la baarayo waxaa shirkadda si rasmi ah ugu wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay dhawaan nuqulkisa si rasmi ah loo helay.

Sida ay qortay Nordic Monitor, Heshiiska ayaa u ogolaanaya shirkad Turkiga laga leeyahay inay sahamin iyo soo saarid ka fuliso xeebaha Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay heli doonto kaliya saami dhan 5% boqolkiiba dakhliga guud ee kasoo baxa kheyraadkaa.