Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaana muddo kordhin u sameysay ajaaniibta aan sharciga ku joogin Somaliland in ay dalka isaga baxaan ama is-diiwaangeliyaan soona qaataan ogolaansho ay deegaannada maamulka ku joogi karaan.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka shircidarada ku jooga Somaliland ay xaduudaha maamulka ka bixi karaan iyada oo la diiwaangelinayo, waxaana laamaha amniga la faray in tallaabo sharci ah ka qaadaan ajaanibta sharcidarada ah haddii ay dhammaato muddada la siiyay.