Madaxii hore ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa si adag u cambaareeyay mawqifka siyaasadda iyo dhaqaalaha ee ku aaddan xasuuqa Israa’iil ka waddo Qasa, wuxuuna caddeeyey in kala bar bambooyinka lagu tuuro Gaza ay bixisay Yurub.
“Yurub waxay marqaati ka tahay nadiifinta qowmiyadaha ugu weyn tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka ee loogu talagalay in lagu dhiso goob maran ka dib markii la tirtiray Falastiiniyiinta”, Borrell ayaa yiri ka dib “, Borrell ayaa sidaasi yiri kadib markii uu helay abaalmarinta Carlos V ee Abaalmarinta Yurub ee Monastery Yuste ee Spain.
Waxa uu sheegay in duruufaha ku gadaaman Xansuuqa ay Israa’iil ka waddo Qasa aysan ahayn kuwa layska indha tiri karo, haseyeeshee ay dalalka reer Yurub yihiin kuwa bixiya dhaqaalaha iyo hubka lagu gumaadayo Falastiiniyiinta.
“Midowga Yurub ma samaynayo waxa uu awoodo, waxaan wajahaynaa hawlgalkii ugu weynaa ee nadiifinta qowmiyadaha tan iyo dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka, waxaana arrintaani saamaysay malaayiin reer Falastiin ah”ayuu yiri Borrell.