Sheekh Cabdicasiis Maxamed oo ah Aabaha dhalay Luul Sheekh Cabdicasiis oo sanad ka hor uu seeygeedi ku gubay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in xabsiga laga sii daayay Sayid Cali Macalin oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku xukuntay dil toogasho.
Aabahaan oo wareysi siiyay Tvga Shabeelle ayaa sheegay in waxba kama jiraan ay tahay wararka ay isla dhex marayaan warbaahinta gaar ahaan Baraha Bulshada ee ku saabsan in xabsiga laga sii daayay Sayid Cali oo isago sugaya fulinta xukunka dilka toogasho ee lagu xukumayay, waxaana markale uu kuceliyay inaysan aqbaleeyn inay magdhow qaataan.
Sheekh Cabdicasiis ayaa shaaca ka qaaday inay sugayaa inuu xukunkaasi dilka ah uu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo cadeeyay in Sayid Cali uu Dowladda u xiran yahay iyaduna mas’uul ay ka tahay inay ku qaado xukunka dilka ah.
“Ma jirto meel lagu siidaayay Sayid Cali, maxkamadaha ayaa seddex jeer xukuntay, fulintii ayaan sugeynaa wadankana mas’uul ayuu leeyahay, waxaana arintiisa ay u taala Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaan lagu wad wado baraha Bulshada ee Youtube ka iyo Tiktok wax jira maahan waa been abuur” ayuu yiri Sheekh Cabdicasiis.
Muqaalo loo adeegsaday Baraha Bulshada ayaa 24 saac la hadal haayay uu kasoo muuqday Sayid Cali oo goob qabri ah jooga waxaana dadka ay ku sheegeen inuu booqday qabriga xaaskiisa uu horey u gubay inkastoo Aabaha dhalay luul uu beeniyay in Qabrigaan uu yahay kii Luul ay ku aasneeyd.