Heemaal News Network

Ururka Xamaas, Oo shaacisay inay Wada-hadal Horumar Leh kula jiraan Mareykanka,

Ururka Xamaas, ayaa shaaca ka qaaday inay wada-hadal toos oo horumar sameynaya kula jiraan Mareykanka, si loo gaaro heshiis xabbad-joojin ah iyo in marinka Qasa loo oggolaado gargaarka bani’aadanimo, sida uu sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas u sheegay telefishinka Al Jazeera.

Waa markii u horreysay oo ay Xamaas shaaca ka qaaday inay wada-hadal aan loo dhaxeyn oo toos ah kula jiraan Mareykanka. Tani waa dharbaxo kale oo Trump uu ku dhufanayo Netanyahu , xilli ay soo baxayaan wararka la xiriira inuu Trump aqoonsan karo dawladda Falastiin.