Heemaal News Network

Xildhibaanada SSC Khaatumo Oo Doonaya in kuraastooda Lagusoo doorto Laascaanood

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda SSC-Khaatumo ayaa doonaya in doorashada kuraasta SSC-Khaatumo lagu qabto magaalada Laascaanood.

Arrintan ayaa ay u arkaan fursadda kaliya ee ay dib ugu heli karaan kuraastooda, iyagoo og in Madaxweyne Deni uu qorsheynayo in gebi ahaanba meesha kaga saaro xildhibaanada hadda matala Puntland ee ku jira labada aqal ee baarlamaanka.

Madaxweyne Deni ayaa horey u sheegay inuu ka niyad jabay xildhibaanadii uu Puntland u xulatay Baarlamaanka Federaalka, isagoo ku eedeeyay inay ku fashilmeen difaaca danaha Puntland.

Waxaa lagu eedeeyaa madaxweyne Deni inuu isagu gacantiisa ku soo xushay xildhibaanada Puntland haatan ku matala Muqdisho, isla markaana meesha ka saaray siyaasiyiin miisaan leh oo muddo dheer ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya.

Deni, oo mar kale lagu wado inuu isku sharaxo xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa dhabar-jab siyaasadeed u arka in xildhibaanada kasoo jeeda SSC-Khaatumo laga soo doorto meel ka baxsan Puntland. Tani ayaa loo arkaa sababta ugu weyn ee maamulka Puntland uu weli ugasoo horjeedo aqoonsiga SSC-Khaatumo.

Dhawaan, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa si rasmi ah ugu aqoonsaday SSC-Khaatumo inay tahay dowlad-goboleed, taasoo micnaheedu yahay in gobollada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle ay si rasmi ah uga madax-bannaan doonaan Puntland.