Madaxweyne Trump ayaa saxiixay heshiis ballaadhan Oo gaadhaya 600, oo Bilion oo dollar kaas oo lagu magacaabo:” Strategic Economic Partnership”
Heshiiskan ayaa khuseeya dhinacyada
-Suuqyada ganacsiga
–Tamarta
–Difaaca
–Xidhiidhka Dollar-ka iyo suuqyada caalamiga ah
Sidoo kale Aqalka-cad ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in heshiiska Trump iyo Sucuudi Careebiya ay gaadheen maanta ay ku jiro in Boqortooyadu ay Mareykanka ka iibsato ‘Hub’ qiimihiisu dhan yahay $142 Bilyan oo doollar.
Aqalka-cad ayaa sidoo kale sheegey in Imaaraadka Carabtu uu isna Mareykanka ka iibsanayo ‘Hub’ qiimihiisu gaadhayo $1.42 Bilyan doollar ah oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka ee F-35.
Socdaalka Trump ee dalalka Bariga-dhexe ayaa ah mid Mareykanka u soo xeraynaya dhaqaale iyo iskaashi dhinacyo badan.