Heemaal News Network

Kala carar ka dhacay Magaalada Tel Aviv ka dib Markii..

Gantaal laga soo riday Yemen ayaa bartilmaameedsaday agagaarka garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee ku dhow Tel Aviv fiidnimadii caawa oo Talaado ah.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in ay gantaalkaasi soo ridaan, hase yeeshee dad Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhaawacmay xilli ay ku cararayeen meelo ammaan ah.

Seeriga digniinta ayaa si xooggan looga maqlay dhul ballaaran oo galbeedka Qudus ah iyo guud ahaan Tel Aviv, halkaasoo hakad la geliyay duulimaadyadii diyaaradaha inta lagu jiray dadaalka lagu joojinayay gantaalka.

Adeegga gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ayaa sheegay in dad badan ay ku dhaawacmeen iyagoo isku dayayey inay gabaad raadsadaan, wuxuuna xusay in ay siiyeen gargaar degdeg ah dad ay la dhacay cabsi xooggan.