Heemaal News Network

Dowlada Somaliya oo soo Dhoweysay inay Hubka dhigaan Kooxda PKK ee dagaalka kula jirtay Dowladda Turkiga

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii ay ku dhawaaqeen Kooxda PKK ee ahaa inay hubka dhigayaan, isla markaana hishiis lagaareen Dawladda Turkiga oo muddo ay dagaal kula jireen ilaa looga aqoonsaday inay yihiin Koox Argagexiso.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa warka kasoo baxay Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) ee ku saabsan go’aankooda ah in ay kala diraan, hubka dhigaan, isla markaana joojiyaan falalkooda hubeysan.” ayaa lahu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa ku tilmaamtay in Tallaabadan geesinimada leh loo arki karo inay tahay dadaal muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadda, laguna adkaynayo xasilloonida qaranka, sidoo kalana lagu hormarinayo horumarka Turkiga iyo guud ahaan gobolka.

“Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa taageeradeeda aan leexleexadka lahayn ee ku aaddan dhammaan dadaallada mudnaanta siiya wadahadal nabadeed, xoojinta midnimada qaran ee shacabka Turkiga, iyo ka qayb qaadashada horumarka xasilloonida goboleed.” ayaa lagu yiri qoraalka wasaradda.

Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) ayaa Isniintii ku dhawaaqay in la kala diray, isla markaana hub ka dhigis lagu sameeyay, iyagoo ka jawaabaya baaq ka soo yeeray hogaamiyaha taariikhiga ah ee xisbiga, Abdullah Ocalan, oo 26 sano ku xirnaa dalka Turkiga.

Turkiga ayaa si rasmi ah u bogaadiyay tallaabadan, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan uu ku tilmaamay ku dhawaaqista PKK inay hubka dhigeen “mid taariikhi ah oo dhiirigelin leh.” Dhanka kale, af hayeenka xisbiga cadaaladda iyo horumarka (AKP) Omer Celik ayaa go’aankan u arkay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday “Turkiga ka xorta ah argagixisanimada,” isagoo sheegay in dhamaadka rabshadaha ay keeni doonto waa cusub.