“Xasan Sheekh waa Diin Laawe Aan Balan Lahayn..”Ex M/Farmaajo Oo si Adag u Weeraray
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo ku eedeeyay inuu ku tuntay Dastuurka JFS ee lagu doortay gaar ahaaan qodobada 87aad, 50aad, 92aad iyo 65aad oo si cad u qeexaya waajibaadka Ilaalinta dastuurka iyo midnimada dalka. Hoos ka akhriso war saxaafadeedka ka soo baxay Farmaajo.