Heemaal News Network

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta ansixyey..

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa

Waxaa kulanka maanta lagu ansixiyey heshiis is afgarad dhinaca Milatariga iyo amniga ah oo dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, kaasoo golaha ay u soo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Shirka Golaha oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga, guulaha laga gaaray dagaalka al shabaab, warbixin ku saabsan arrimaha Xajka iyo sidoo kale guddiga taakuleynta dagaalka lagula jiro kooxaha al shabaab oo warbixin laga dhageystay.