Heemaal News Network

Madaxda Yurub Oo Sheegay Inay la yaabeen Wadahadalkii Dhex-maray Trump iyo Putin

Wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee Financial Times, ayaa ku warramay inay hoggaamiyayaasha Yurub hoggaamiyayaasha Yurub la yaabeen wadahadalkii labada saac socday ee Trump uu la sheegay Putin, iyagoo ku sheegay inuu u muuqday wadahadal fudud oo aan lahayn wax cadaadis ah oo suragal ka dhigaya inuu Putin qaato xabbad-joojin, taa beddelkeeda waxay ku sheegeen wadahadalka mid uu Trump ku bixinayo Ukraine , halkii uu raadin lahaa xalka dhibaatada ay Ukraine kala kulmayso dagaalka.

Wasiirka difaaca Jarmalka, Boris Pistorius ayaa dhankiisa ku sheegay habdhaqanka Putin, inuu waqti ‘iibsanayo’ oo uusan dooneyn waqti hore dagaalka in la joojiyo.

Waxaa muuqata inay hoggaamiyayaasha Yurub ka sugayeen Trump inuu hanjabayo , oo wadahadalka ka dhigo mid adag oo Putin, u muujinaya lagama maarman inay tahay isbeddel inuu ku sameeyo siyaasadiisa dagaal ee Ukraine, laakin wadahadalka wuxuu dhacay , xilli Ruushka uu milatarigiisa ku daabulay saldhig aan ka fogeyn xadka Finland , halkaa oo laga arkay in sidoo kale hub iyo nidaamyada difaac la geeyay — xaaladan oo soo muujinaysa Ruushka inuu ku dhex jirayo dagaal, isla markaana uga digayo reer Yurub inay iskudayaan ballaarinta dagaalka Ukraine.