Dowladda Jabuuti ayaa socdaalka uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ku joogo dalkeeda ku tilmaantay mid ka tarjumaya ujeeddooyinka ay wadaagaan labada dhinac iyo saaxiibtinimo ka dhexaysa.
Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, oo Madaxweyne Cirro ku soo dhaweeyay madaarka diyaaradaha ee caasimadda Jabuuti, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhoweynta Madaxweynaha, isagoo carrabka ku adkeeyay in safarkani muujinayo ujeeddooyinka ay labada dhinac ka siman yihiin.
“Anigoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, safarkan waa astaan muujinaysa kalsooni iyo saaxiibtinimo,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaruhu. “Adduun ay hubanti la’aantu hadheeysay, booqashadani waxay markhaati u tahay rabitaanka labada dhinac ee ku aaddan dhisidda buundooyin, xoojinta wadaxaajoodka, iyo adkeynta nabadda.”
Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa, kadib soo dhoweynta loogu sameeyay garoonka diyaaradaha, waxa ay kulammo la qaadan doonaan Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo isagu casuumaad rasmi ah u diray Madaxweyne Cirro.
Safarka Madaxweynaha, oo socon doona muddo saddex cisho ah, ayaa la filayaa in lagaga wada hadlo hagaajinta xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, kaas oo aan wanaagsanayn tan iyo horaantii sannadkii 2024, kadib markii Somaliland iyo Itoobiya gaadheen heshiis aanay Jabuuti soo dhawaynin.
Sidoo kale, waxa la filayaa in labada Madaxweyne isla soo qaadaan arrimaha horumarinta iskaashiga amniga iyo ganacsiga xuduudka iskaga tallaaba iyo soo celinta wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo ay Somaliland dhawaan joojisay.
Jabuuti iyo Somaliland ayaa labaduba tartan ugu jira suuqa Itoobiya oo ah waddan aan bad lahayn, isla markaana hadda 95% shixnadihiisa kala soo dega dekedaha Jabuuti. Somaliland ayaa dhankeeda dhisatay deked casri ah oo ay sheegtay in ay ugu talogashay shixnadaha Itoobiya.
Itoobiya ayaa sannadihii u dambeeyay raadineysay deked ay iyadu si buuxda u maamusho iyo saldhig milatari oo ay ka hesho Badda Cas. Madaxweyne Cirro ayaa dhawaan sheegay in sannadkan gudaheed uu Itoobiya la geli doono heshiis ganacsi oo ballaadhan.
Kadib safarka Jabuuti, waxa la filayaa in Madaxweynuhu booqasho rasmi ah ku tago dalka Itoobiya oo uu Somaliland ka dhexeeyo xidhiidh taariikhi ah, waxaana la filayaa in labada dhinac diiradda saaraan arrimaha dhaqaalaha iyo iskaashiga amniga.