Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa ku heshay dambiyo laba nin oo asalkoodu Soomaali yahay, balse haysta dhalashada Kenya.
Labadan nin ayaa lagu eedeeyay inay fududeeyeen weerarkii sanadkii 2019 lagu qaaday hotelka DusitD2, weerarkaasi oo ay ku dhinteen 21 qof. Xukunkooda rasmiga ah ayaa la filayaa inuu soo baxo bisha soo socota.
Garsoore Diana Kavedza ayaa sheegay in dacwad-oogayaashu ay caddeeyeen in Hussein Mohamed Abdille Ali iyo Mohamed Abdi Ali ay u direen lacag kooxdii weerarka qaaday isla markaana ay ka caawiyeen helista aqoonsiyo been abuur ah.
Dhammaan raggii weerarka fuliyay ayaa lagu sheegay inay ku dhinteen halkaas.
Kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Weerarkan ayaa dhacay lix sano kadib weerarkii Westgate Mall ee lagu dilay 67 qof, iyo afar sano kadib weerarkii Jaamacadda Garissa ee lagu laayay 147 arday.
Dacwadda ka dhanka ah labada eedeysane waxaa lagu soo bandhigay marqaatiyaal gaaraya 45 qof. Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay in 21 maalmood gudahood xukunka la dhagaysan doono gaar ahaan 19-ka Juun.
Nin saddexaad oo lagu magacaabo Mire Abdullahi oo la eedeysnan labada kale ayaa horay u qirtay dambiga waana la xukumay.
Dadka weerarka ku dhintay waxaa ka mid ahaa muwaadiniin ajnabi ah oo ay ku jiraan mid Maraykanah iyo md British ah.