Heemaal News Network

Wiil Somali ah Oo Sideed Jir ahaa Oo Iska soo Tuuray Daqab Dheer Oo ku Yaala Xaafada Islii Ee Nairoobi.

Wiilkii Soomaali ah ayaa maanta iska soo tuuray dabaq ku yaala xaafadda Islii ee Nairobi, kaasoo la sheegay inuu maalmahan oo dhan sheegayay inuu isdili doono.

Wiilkan oo sideed jir ahaa ayaa la sheegay inuu mar walba si naxariis darro ah u garaaci-jiray macallinka Qur’aanka ee diinta barayay, waxaana ku qosli jiray carruurta kale. wiilkan aabihiis oo dalka ka maqnaa ayaa aad ayuu ugu dhibtooday garaaca iyo fadeexadda.

“Muuqaalka isdilkiisa waan arkay. Dabaqa toban iyo lixaad ayuu fuulay, kadibna wuu isa soo tuuray. Madaxiisa ayaa qarxay maadama uu dhagaxyo ku dhacay, Waqtiga uu isasoo tuurayay, hooyadiis waxay ku jirtay dugsi aabeheed Qur’aan lagu akhrinayay Waxaan maqlay in aabihii, markii loo sheegay in wiilkiisu is dilay, uu markiiba hooyadiis furay…”

Wiilkan ayaa ku cusbaa magaalada Nairobi, waxuuna dabaqa uu iska soo tuuray deganaayeen wax ka yar hal bil, waxaana Maydka hadda waxaa qaaday booliiska dalka Kenya.