Heemaal News Network

Dawlada Kenya Oo ka Hortimid Madaxbanaanida Somaliland

Dowladda Kenya ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku sheegtay “in ay si buuxda u aqoonsan tahay madax-bannaanida, midnimada qaranka, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo oggolaanaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho inay tahay hay’adda kaliya ee sharciyeysan ee maamusha arrimaha dalka, oo ay ku jiraan maamullada gobollada.

Kenya waxay muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leedahay Soomaaliya, iyadoo ku saleysan is-ixtiraam, wada-shaqeyn, nabad, iyo horumar waara. Waxay sidoo kale diyaar u tahay inay taageerto dadaallada dhismaha dowladnimo ee Soomaaliya iyada oo loo marayo wadahadal joogto ah, iskaashi goboleed, iyo mashaariic is-kaabaya.

Intaa waxaa dheer, Kenya waxay ku wargelisay inay sii wadi doonto xiriirka ay la leedahay maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Somaliland, iyadoo la tashaneysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo dhiso xiriir rasmi ah iyo joogitaan diblomaasiyadeed — ujeedkuna yahay taageeridda amniga iyo danaha ganacsi, iyadoo la raacayo mabaadi’da deris wanaagga iyo is-ixtiraamka.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo maanta madaxweynaha Somaliland u dhoofay Kenya, sidoo kale dowladu dhibsatay xiriirka Axmed Madoobe iyo Kenya.