Intii kulanka lagu guda-jiray, Mudane Antoine Grand waxa ugu hambalyeeyay Wasiirka xilka loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay inuu ku guuleysto, warbixin guudna ka siiyay howlaha ICRC ee Soomaaliya iyo baaxadda howl-qabadkeeda guud ahaan dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saarray xoojinta wadashaqaynta iyo ballaarinta barnaamijyada ICRC, iyadoo la hubinayo in taageerrada bani’aadantinimo si siman loo gaarsiiyo dhammaan gobollada Soomaaliya. Labada dhinac ayaa isku-af-gartay xoojinta iyo kordhinta howlaha iyo isku-dubbaridka si loogu adeego baahiyaha bulshooyinka oo idil.