Heemaal News Network

Trump:-“Ruushka Wax xun ayaa ku Dhici lahaa Putin-na waa Nin xun, wuxuu ku Ciyaarayaa dab.”

Madaxwaynaha Maraykanka Trump, ayaa waxyar ka hor farriin adag u diray dhigiisa Ruushka Putin, ku sheegay; “Wuxuu Vladimir Putin , garan la’yahay haddii aanan aniga ahayn wax badan oo xun inay ku dhici lahaayeen Ruushka.. waxaan ula jeeda inuu yahay nin xun, wuxuu ku ciyaarayaa dab.”

Hadalkan ayaa muujinaya burburka gaaray iskudaygii uu Trump ku doonayay inuu guul diblomaasiyadeed ka helo joojinta dagaalka Ukraine , balse tanaasul kasta oo ka yimid dhinaca Trump oo ay xataa ku jirtaI inuu Ruushka qaato dhulka uu heysato ee Ukraine , waxaa lugta ku dhuftay Putin, tana waa inan arki doono xiisadda reer galbeedka iyo Ruushka oo mar kale sare marta..!