Heemaal News Network

Ganacsato Reer Finland ah Oo Maalgashi Nooc Cusub ah Muqdisho ka Sameynaya.(Sawiro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Ganacsato isugu jirta Soomaali iyo kuwo u dhashay dalka Finland oo Magaalada Muqdisho u yimid sidii ay maalgashi u sameyn lahaayeen.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ugu horeyn waxaa warbixin laga dhageystay Ganacsade Cabdi Cabdulle Cisman oo wafdigaan hogaaminayay, isaga oo sheegay in ay Muqdisho u imaadeen sidii ay u sameyn lahaayeen maalgeshi ku aadan sifeynta wasaqowga bulaacadaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu soo dhaweynayo Maalgeshiga Caasimadda, isla markaana uu taageerayo wax kasta oo waxtar u leh bulshada iyo soo celinta bilicda Magaalada Muqdisho.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Oo Qorshaha 5ta Sano kala Hadlay Hay’adaha QM

Heemaaln

Madaxweynaha SSC Oo Booqasho Ku tagay Wasaarada Arimaha Gudaha SSC Khaatumo

Heemaaln

Xildhibaan Mahdi Guuleed “Gogosha Garoowe Ee Uu Dhigay Madaxweynaha Puntland waa Labo Arin…”

Heemaaln