Boqortooyada Sucuudi Careebiya ayaa shaacisey in ay xukun deldelaad ah ku fulisey 4 nin oo Soomaali ah oo lagu heley in ay dalkaasi geliyeen maandooriye.
Afarta deldeley ayaa shan ku noqonaya nin kale oo la deldeley bishii Febraayo, waxaana weli xabsiyada Voqortooyada ku xidhan afartaneeyo kale oo Soomaali oo loo haysto in ay dalkaasi maandooriye geliyeen.
Dowladda Federaalka oo isku-dayday in eedaysanayaasha loo soo wareejiyo dalka si loogu xukumo ayaa ku guul-darraysatay.