Heemaal News Network

Puntland oo Xirtay Dhalinyaro Hormuud u ahaa Mudahaarad ka dhici lahaa Gaalkacyo

Ciidamada amniga Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku xiray dhalinyaro hormuud u ahaa abaabulka mudaharaad looga soo horjeedo wax qabad la’aanta maamulka Puntland, iyo xayiraad saaran mashaariic horumarineed oo dowladda Federaalka ah ugu talo gashay gobolka Mudug.

Dhallinyaradan ayaa la xiray xilli ay ku sugnaayeen garoonka cayaaraha ee Cawaale, halkaas oo saaka lagu oogayay salaadda Ciida. Waxaa la sheegay in dhalinyaradu wateen boorar ay ku qornaayeen baahiyaha ka jira, iyaga oo doonayay in ay fariintooda gaarsiiyaan shacabka goobta yimid.

Maamulka gobolka Mudug ayaa bixiyay amarka lagu xirayo dhalinyaradan, si loo joojiyo mudaharaadka oo ay dhalinyaradu ku adkasyteen inay qabanayaan.

Duqa degmada Gaalkacyo, Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in aan la joogin xilli ku habboon in mudaharaad laga abaabulo magaalada, isagoo ugu baaqay bulshada inay deganaansho muujiyaan.

Dhawaan maamulka gobolka Mudug ayaa sheegay in tallaabo cad laga qaadi doono cid kaste oo isku dayda inay sameyso kicin bulsho, iyagoo ku eedeeyay dhalinyarada abaabulaysa mudaharaadka in lagasoo abaabulay dowladda Federaalka, lana doonayo in qalaalaso laga fuliyo Gaalkacyo.