Heemaal News Network

Xiisad ka Taagan Bariga dhexe & Israel Oo Qarka u Saaran Weerarka Iran

Gobalka bariga dhexe ayaa caawa illaa berri laga cabsi qabaa in ay ka dhacaan weerarro duulaan ah oo dhanka Cirka ah kaasoo u dhaxeeya Israa’iil iyo dalka Iraan, kadib markii uu fashilmay wada xaajoodkii u dhaxeeyay dalalka Mareykanka iyo Iiraan.

Dalka Maraykanka, ayaa Iiraan u diray soo jeedin ku saabsan heshiiska dhanka Nukliyeerka ah, kaas oo ay ku jiraan joojinta iyo ka saarida Uranium-ka Nukliyeerka ee la bacrimiyay ama la hodmay ee dalka Iran.

Dalka Iiraan, ayaa wax yar ka hor ka jawaabtay soo jeedinta Heshiiska Mareykanka, iyadda oo si rasmi ah u diiday soo jeedinta Mareykanka islamarkaana sheegtay in sida kaliya ee heshiis lagu gaari karo ay tahay in Mareykanka uu ka saaro dhammaan hubka Nukliyeerka ah ee Israel ay ku haysato Gobalka bariga dhexe.

Sidoo kale, Jawaabta dalka Iiraan ka timid Kadib, Madaxwaynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa waxa uu telefoonka si deg deg ah uu kula hadlay Ra’iisul Wasaare Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyadda oo wada hadalkoodu uu qaatay muddo 45 daqiiqo ah taasoo aanan illaa iyo haatan la ogayn waxa ay ka wada hadleen, Balse Ilo diplomaasiyadeed ayaa sheegay Wakaaladda Wararka ee Axios wada hadalkooda in uu la xariiray arrinta dalka Iiraan.

Wada hadalka Madaxwayne, Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu kadib, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa isugu yeeray shir deg deg ah Golaha Amniga ee Israa’iil iyadda oo albaabadu ay u xiran yihiin islamarkaana saxaafadda banaanka looga saaray.

Shirka deg dega ah ee Golaha Amniga Israa’iil ay yeesheen kadib, Sargaal sare oo Israa’iili ah ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Axios in Israa’iil ay u diyaar garowday duqeyn ay Israel ku qaado xarumaha dhanka Nukliyeerka ee dalka Iiraan, iyadda oo la daabulayo saanad Ciidan, lana darsay qorshaha hawlgalkan .

Dhanka kale, Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee dalka Iiraan oo kulmay iyana ayaa sheegay in Weerar kasta oo Israel ay ku qaado xarumaha Nukliyeerka ee dalka Iiraan ay la kulmi doonto jawaab iyo weerar deg deg ah oo toos ah oo lagu qaado goobaha qarsoodiga ah ee xarumaha Tamarta iyo Nukliyeerka ee Israel ay leedahay kuwaasoo ku yaalla gudaha Israa’iil.

Si kastaba ha ahaatee, xaalka Gobalka Bariga dhexe ayaa ah mid qasan waxaana la filan karaa mar walba duulaamo iska soo hor jeeda taasoo Gobalka gelin karta xaalad dagaal oo toos ah.

Sarkaal sare oo Maraykan ah, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Axios in wareegga 6-aad ee wada-hadaladda Arrimaha Nukliyeerka ee u dhexeeya dalalka Maraykanka iyo Iran in uu ka dhici doono maalinta Jimcaha ah Magaaladda Oslo ee Caasimadda dalka Norway, ama maalinta Axadda ah kaasoo lagu qabanayo Magaaladda Muscat ee Caasimadda dalka Cumaan.