Heemaal News Network

Toogasho Dad badan lagu Laayay oo ka Dhacay Iskuul kuyaalla Magaalada Graz

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay, weerar saakay nin hubeysan ku qaaday iskuul sare oo kuyaalla dalka Australia.

Weerarka uu fuliyay ninka hubeysan ayaa ka dhacay iskuul lagu magacaabo Dreierschutzengasse oo kuyaalla magaalada Graz, waxaana weerarkan ku dhintay dad badan , halka ay ku dhaawacmeen tiro kale , kuwaa oo lagu daweenayo xarumo caafimaad.

Duqa magaalada Graz Elike Kahr, ayaa sheegay in weerarka ku dhinteen 10 qof , halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 30 qof, kuwaa oo qaarkood soo gaareen dhaawacyo aad u culus oo loola tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Booliiska magaalada Graz , ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno ku aadan weerarkan dadka badan lagu dilay , mana cadda ilaa hadda sababta keentay weerarka ninkan dadka badan ku laayay.