Ha’yadda Baddaha Ingiriiska Oo Digniin Adag kasoo Saartay Baddaha Gacanka Ee ku Xeeran Iran.
Ha’yadda ganacsiga baddaha Ingiriiska ee (UKMTO) ayaa waxyar ka hor soo saartay digniin aan caadi ahayn oo ku saabsan Badda Gacanka Carbeed, Gacanka Cummaan iyo marin-biyoodka Hormuz oo dhammaantood ku xeeran Iran.
UKMTO, ayaa digniinteeda ku sheegtay in ay heleen warar tilmaamaya in xiisado sii kordhaya ay ka jiraan gobolka, kuwaasoo sababi kara kacdoon militari oo si toos ah u saameyn kara maraakiibta ganacsiga iyo shaqaalaha badda.