Heemaal News Network

Diyaaradaha Somali Airlines oo Lagu Wado Inay soo Caga Dhigto Garoonka Muqdisho Maalmaha Xorriyadda

Magaalada Muqdisho – Waxaa lagu wadaa in maalmaha xorriyadda ee foodda inagu soo haya ay si rasmi ah garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport ugu soo degaan diyaarado cusub oo dhawaan la soo iibiyay, kuwaas oo ka tirsan shirkadda Somali Airlines.

Tani waxay astaan u tahay dib u soo nooleynta sumaddii qaranka ee Somali Airlines, taas oo muddo dheer ka maqneyd hawada dalka, kadib burburkii iyo xasilooni darradii soo martay Soomaaliya. Soo laabashada diyaaraddan ayaa loo arkaa mid xambaarsan farxad qaran, rajo, iyo astaan muujinaysa horumarka iyo dib u hanaqaadka dalka.

Soo dhoweynta diyaaraddan taariikhiga ah ayaa noqon doonta dhacdo xusuus leh oo ka mid ah dabaal-degga maalmaha xorriyadda, taas oo ka tarjumi doonta dareenka wadaninimo, midnimo iyo isbeddelka dhanka duulista iyo adeegyada garoomada dalka.