Heemaal News Network

Mareykanka Oo Billaabay inuu Diblomaasiyiin iyo Shaqaalihiisa ka Saaro Dalalka Bariga Dhexe

Mareykanka ayaa billaabay inuu diblomaasiyiin iyo shaqaalihiisa ka saaro dalka Ciraaq, iyadoo sidoo kale lagu wargeliyay safaaradaha kale inay dhimaan shaqaalahooda, iyadoo ay wasaaradda difaaca Mareykanka, ay diyaarisay diyaaradaha soo daabulaya shaqaalaha ka jooga bariga dhexe, taasoo la xiriirta walaac laga qabo in gobolka bariga dhexe uu la kulmo dagaal u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran,sida ay ku warrantay warbaahinta Axios.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa ku wargeliyay askarta ku sugan saldhigyada ku yaalla bariga dhexe inay ka saaraan saldhigyada qoysaskooda oo ay ku jiraan carruurta iyo haweenka, sida ay ku warrameen wakaaladaha wararka ee AP iyo Reuters.

Lama sharrixin go’aankan, balse waa tallaabo taxaddar leh oo la qaado marka ay jirto cabsi ama dareen khatar amni.

Sikastaba ha noqotee Dhaqdhaqaaqyo dhinaca hawada ah ayaa ka socda gobolka Anbar ee galbeedka Ciraaq oo xadduud la leh Suuriya, Jordan, iyo Sucuudiga, iyadoo ay hawada gobolkaa ku duulayaan caawa diyaaradaha dagaalka oo aan la xaqiijin dalka laga leeyahay, balse warbaahinta maxalliga ah ee Ciraaq ayaa werisay in saldhigyada Mareykanka ay heegan buuxa ku jiraan, diyaaradahana loo badinayo inay yihiin kuwa Mareykanka ee F-16 iyo F-25.