Heemaal News Network

Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Oo Furay Qandaraaska Koronto-balaadhinta Borama.(Sawiro)

Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Oo Furay Qandaraaska Shirkadaha soo Dalbaday Koronto-balaadhinta Magaaladda Borama.(Sawiro)

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre oo ay wehelinayaan Agaasimahaasha Guud ee Wasaardda Tamarta iyo Koomishanka Tamarta Somaliland Mudane Dr. Shucayb Cismaan Maxamuud iyo Mudane Maxamed Maxamuud Cabdi (Malow) ayaa furay Qandaraaska Shirkadaha soo dalbaday Koronto-balaadhinta Magaaladda Borama , Xafladdaasi oo ka qabsoontay Xafiiska unnuga fulinaaya Mashruuca Dib u Soo Kabashada Korontada Somaliland (SESRP).

Ugu horayn waxa ujeeda xafalada ka warbixiyay Madaxa Mashruuca Dib u Soo Kabashada Korontada Somaliland Md. Cabdifataax Cumar Cabdilaahi.

Geesta Kale Agaasimaha Guud ee Koomishanka Tamarta Somaliland Md. Maxamed Maxamuud Cabdi (Malow) ayaa xusay in ay koomishan ahaan ku faraxsan yihiin in ay Goobjoog ka ahdaan furitaanka qandaraaska Shirkadaha soo dalbday koronto-balaadhinta Magaalada Borama.

Geesta kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Dr. Shucayb Cismaan Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay xafladda isaga oo carabka ku adkeeyay in qiimaynta iyo kalasaarida shirkadaha soo dalbaday koronto-balaadhinta Borama ay u dhici doonto hanaan daah furan oo cadaalad ah si loo gaadho ujeedada Mashruuca oo ah in la helo koronto jaban , badqabta , la isku halayn karo isla markaana ka timaada ilo nadiifa.

Gabogabadii Xafladda waxa si rasmi ah u soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre isaga oo xusay in Gudida qiimaynta uu dhaariyay si loo adkeeyo Daah furnaanta , isla xisaabtanka iyo Cadaaladda iyada oo la raacaayo Siyaasaddaha iyo Shuruucda Wasaaradda. Sidoo kalena waxa uu u mahadnaqay dhamaan shirkadaha soo dalbday qandaraaska koronto-balaadhinta Borama ,isaga oo u rajeeyay Guul.

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda WTM.