Heemaal News Network

Nin Ajnabi ah Oo ka Tirsan kooxda Daacish Oo Nolosha Lagu Qabtay

Ciidamada difaaca ee maamulka Puntland, ayaa maanta oo Sabti ah nolosha ku qabtay nin ajnabi ah oo katirsanaa kooxda Daacish, kaa oo xilliga la qabanayay ku sugnaa togga Baallade ee katirsan buuraha Calmiskaad.

Ninkan ciidanada Puntland qabteen ayaa u dhashay dalka Turkiga, waxaana xilliga la qabanayay biyo ka dhaansanayay ceel kuyaalla togga Baalladle, waxa uuna ninkan la qabtay qoray Al 47 , sida warbaahinta u sheegeen saraakiisha ciidanka difaaca Puntland.

“Guutada 3-aad ee Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigtay argagaxiye u dhashay dalka Turkiga, kaasi oo ka tirsan kooxda Daacish. Ninkaan ayaa lagu qabtay isagoo kaligiis biyo ka dhaansanaya ceel, oo ku hubeysan Qori A47, balse aan la socon wax koox ah” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay guuto-saddexaad.

Ninkan ajnabiga ah ay qabteen ciidamada Puntland, ayaa loo gudbiyay saldhig gaar ah ay leeyihiin ciidamada Puntland, waxaana wareysi laga qaaday ku bixiyay siro ku saabsan kooxda uu katirsanaa Daacish iyo jabka adag ay xilligan wajahayaan.