Heemaal News Network

Raysal Wasaaraha Pakistan Oo si aan Gabasho lahayn u Taageeray Iran.

Si ka duwan hogaamiye kaste oo caalamka ah Pakistan ayaa si aan ka leex leexasho lahayn u taageertay Iran.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa maanta la hadlay Madaxweynaha Iran, Dr. Masoud Pezeshkian, si uu ugu muujiyo taageero buuxda oo ay la garab taagan yihiin shacabka Iran, xilli ay la kulmayaan weerarro gardarro ah oo uga yimid Israel.

Wuxuu si adag u cambaareeyay ku xadgudubka madax-bannaanida Iran, isagoo sheegay in falkaasi yahay mid si toos ah ugu xadgudbaya Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana Iran ay xaq buuxa u leedahay inay isdifaacdo.

Madaxweyne Pezeshkian ayaa u mahadceliyay Pakistan mowqifkeeda cad ee ay ka qaadatay Golaha Ammaanka ee QM. Labada hoggaamiye waxay isla garteen in beesha caalamka, gaar ahaan Umadda Islaamka, ay si mideysan uga falceliso xadgudubyada Israel.