Heemaal News Network

Jubaland Oo Gacanta ku Dhigtay Shabakad Dad ka Tahriibinaysay Kismaayo.(Sawirro)

Ciidanka Booliska Jubbaland qaybta gobolka Jubbada hoose ayaa howlgal uu sameeyey 24 saac ugu dambeeyey waxaa uu gacanta ku soo dhigay shabakad ka shaqaynaysay tahriibinta dhalinyarada Jubbaland ee ku nool gudaha magaalada Kismaayo iyo waliba deegaanada kale ee Jubbaland.

Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa sheegay in ay howlgalkaan ku soo xidheen 13 qof oo afar ka mida ay yihiin kuwii dhalinyarada tahriibinaayey halka sagaalka ay yihiin dhalinyaro dalka laga tahriibinaayey.

Laba ka mida dadkii la tahriibinaayey ayaa ku xidhan deegaanka Bilis Qooqaani oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose sida uu sheegay Taliye kuxigenka qaybta danbi Baadhista ee ciidanka booliska Jubbaland qaybta gobolka Jubbada hoose laba xidigle Muxiyadiin Maxamed Cumar.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Taliska Guud Ee Ciidanka Asluubta SSC-Khatumo Oo soo Saaray War-saxaafadeed.

Heemaaln

Deni iyo Golihiisa Wasiirada Oo Shan Qodob ka soo Saaray Magaalada Garowe.(Sawirro)

Heemaaln

Buuq iyo Gacan ka hadal ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya

Heemaal