Heemaal News Network

Warbixinta Soomaliya U Gudbisay Qaramada Midoobay Oo Gilgishay Adisababa

Abuukar Cusmaan Baalle, ergeyga Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa intii uu socday shirkii Golaha Amaanka, waxa uu ku eedeeyay Itoobiya in ay qorsheyneyso in ay goosato qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya oo ay ka dhisato saldhig milatari, taasina tahay iclaamin dagaal.

Ergeyga Joogtada ah ee Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay Tesfaye Yilma Sabo, ayaa walaac ka muujiyay warbixin dhawaan Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay uu gudbiyay golaha Ammaanka.

Warbixintaas oo ku saabsanayd xad gudubyada Itoobiya ee ka dhanka ah madax bannaanida Soomaaliya, iyo fara galinta militari ee Itoobiya ay ka waddo xuduudada labada dal.

Ergayga Itoobiya ayaa xaqiijiyay, Itoobiya ciidamadeeda dhulka inay wadaan dhaqaaqyo ciidan, si ay uga fogaadaan wax kasta oo khalkhal amni ah keeni kara oo ka dhalan kara xiisadda badda ee labada dal.

MOU ma ahan mid aan horay loo arag, kana soo horjeeda hab-dhaqanka caalamiga ah, wuxuuna la mid yahay heshiis ay waddamo kale saxiixeen si loo helo isticmaalka badda. Sidaa darteed, heshiiska is-afgaradka waa in loo arkaa iskaashi guul ah oo Itoobiya ku sugi doonto marin-badeedka . Itoobiya wax dan ah uma laha inay cid gaar ah xumayso.

Ayuu yiri Tesfaye.

Laakiin safiirka Itoobiya ee hayadda Qaramada Midoobay ayaa qiray, in heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray dalkiisa iyo Somaliland oo aysan aqoonsanayn wadamada caalamku uu yahay mid ugub ku ah dhaqamada caalamiga ah ee la yaqaano.

Tesfaye Yilma Sabo waxa uu sheegay horumarka hadda ka jira Soomaaliya in lagu kasbaday kumannaan qof oo Itoobiya ku weyday dagaalka ay kula jirto argagixisada caalamiga ah ee Soomaaliya oo uu sheegay inay yihiin kuwa ugu awoodda badan.

Ergayga Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in ay Soomaaliya wada-hadallo la yeelashaan lana dhigo gogol laba geesoodka ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Guddida Farsamo Ee Isfahanka Somaliland iyo Ethiopia Oo Gaaray Berbera kuna sii Jeeda Lughaya

Heemaaln

Salaadiin & Odeyaasha Dhaqanka Ee Awdal Oo si Adag Ula Hadlay Abiy Ahmed Fariin-na U Diray Shacabka Gobolkaasi.

Heemaal

Booliiska Oo Gacanta ku Dhigay Hub loo Sameystay Reer Hargeysa in Lagu Laayo.

Heemaaln