Heemaal News Network

Banaanbax Wayn Oo Ka Socda Magaalada Muqdisho

Waxaa Maanta oo Sabti ah garoonka Kubadda Cagta Injineer Yariisoow ee magaalada Muqdisho ka dhacaya banaanbax aad u balaaran oo lagu taageerayo heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhawaan dowlada Soomaaliya la gashay dowladda Turkiga.

Qabanqaabadii ugu dambeysay ee banaanbaxa ayaa si weyn uga socota garoonka Injineer Yariisow oo ku yaala degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka waa weyn lagu arkaya dadweyne koox koox iskula socda oo kusii jeeda garoonka banaanbaxa uu ka dhacayo.

Banaanbaxaan ayaa waxaa iclaamiyay dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb gali doona masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo khudbado ka jeedin doona banaanbaxa.

Amaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa saaka si weyn loo adkeeyay, waxaana xiran qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa lagu taageerayo heshiiska ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa si wadajir ah u ansixiyay labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana sidoo kale saxiixay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

”Somaliland Maanta Laga Bilaabo iyadaa Hawadeeda Maamulanaysa Somaliyana..”

Heemaaln

Xasan Sheekh “Muuse Bixi Waxaba Laga Waydiin Mayo Ethiopia-na kama Wada-hadli karno Damacooda Guracan”

Heemaal

Xassan Sheekh Oo la kulmay Taliyaha Guud Ee Ciidanka Talyaaniga (Sawirro)

Heemaaln