Heemaal News Network

Somaliya Oo ku Eedeysay Itoobiya Marin Habaabinta Xadgudubka ay ku Hayso Dhulka Somaliyeed

Howlgalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa walaac weyn ka muujiyay war-saxaafadeed kasoo baxay Ergayga Joogtada ah ee Ethiopia u fadhiya Qaramada Midoobay.

Howlgalka Soomaaliya, ayaa sheegay in nuxurka war-saxaafadeedka uu soo saaray ergayga Ethiopia uu yahay mid lagu marin habaabinayo, isku dayga sharci-darrada ah ee ay Itoobiya ku doonayso dhul Soomaaliyeed.

Mar kale, ergayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xad gudubka Ethiopia ee dhulka Soomaaliyeed uu khatar ku yahay amniga gobolka iyo kan caalamkaba.

“Itoobiya oo ah Waddan Ciidamo ugu deeqay ATMIS, waxay shaki la’aan lumisay kalsoonidii lagu qabay markii ay kusoo xad gudubtay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed. Tallaabooyinka noocan oo kale ah ayaa lid ku ah sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan go’aannada la xiriira Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo guulihii adkaa ee laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab labaatankii sano ee la soo dhaafay.”ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay howgalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Howlgalku wuxuu Itoobiya ugu baaqay inay dib u eegto hamigeeda isbalaarinta oo ay u dhaqanto si waafaqsan xeerarka iyo mabaadiida shuruucda caalamiga ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Mareykanka: Dib-u-eegista Dastuurku ha Noqoto; Mid loo Dhan yahay Oo Daahfuran.

Heemaaln

Macallin loo Dilay Arday Uu ku Canaantay Gudaha Iskuul ku Yaala Muqdisho.

Heemaaln

Xasan Sheekh Oo La Kulamay Hormuudka Jaamacada Al Azhar

Heemaal