Heemaal News Network

Dowladda Soomaaliya: “Ma jirto Amni-xumo iyo Halis Badqab Oo ka jira Hawada.”

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee DFS ayaa beenisay wararka ay xukuumadda Muuse Biixi ku baahisay baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in labada diyaaradood ee Qatar Airways iyo Ehiopian Airways ay isku dhici rabeen sababo la xiriira amar khaldan oo laga siiyay qaybta duulista hawada koontaroosha ee Soomaaliya, saldhigeeduna yahay Muqdisho.

War iyo muuqaal ay boggeeda Facebook ku daabacday Hay’adda Duulista iyo Madaraada ee Somaliland ayay ku sheegtay “in Soomaaiya ay xog khaldan siisay diyaarado isticmaalayay hawada Soomaaliya”, kuwaasoo kala ah duulimaadyo ay sameynayeen shirkadaha Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines.

Warka ay soo saartay Somaliland ayaa lagu sheegay “in labada diyaaradood la saaray laba khad oo isku dhaw oo kala ah, 40,000 ft iyo 39,000 ft, taas oo qatar galisay duulimaadyada, balse fariin digniin ah oo uu bixiyay qalabka ka diga isku dhaca keena shilalka ee saaran diyaaraduhu uu badbaadiyay

Qoraalka lagu daabacay bogga hay’adda ayaa waxaa wehliyay muuqaal laga duubay shaashad, kaasoo cod laga dhex maqlayo ay hay’addu sheegtay in yihiin duuliyayaasha oo wada hadlaya. si madax banaan looma xaqiijin karo dhamaan sheegashooyinkaas.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Somaalia waxay sheegtay in aysan jirin wax khatar ah oo ay sababtay masaafada ay isku jiraan laba diyaaradood, wax caadi ahna ay ka tahay caalamka.

Waxa kale oo ay intaas ku dareen Hay’adda Dullista ee Soomaaliya, in farriinta TCAS ee ay wadaageen diyaaraduhu aysan ahayn mid tilmaameysa khatar (resolution), balse ay ahayd mid wargalin ah (Advisory).
“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya u caddeynaysaa inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya. Ma jirto amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya” ayaa sidoo kale lag yiri War kooban oo ka so baxay SCAA.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

18 Qof Oo ku Geeriyooday Deegaanka Xawaadleey Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Heemaaln

Hindiya Oo Madaxda Somaliya kala Hadlay Arimo Muhiim ah.(Sawiro)

Heemaaln

Puntland Oo ka Jawaabtay Go’aanka DF Ee Lagu Xirayo Qunsuliyada Itoobiya Ee Garowe

Heemaaln