Sida uu qoray Axios, mas’uuliyiin ka socda difaaca iyo sirdoonka Israa’iil iyo Sacuudi Carabiya ayaa toddobaadkan booqasho ku jooga Maraykanka si ay ugala hadlaan arrimaha Iiraan, xilli Maraykanku uu kordhinayo joogitaankiisa milatari ee gobolka.
Jenaraal Shlomi Binder, oo ah madaxa sirdoonka milatariga Israa’iil, ayaa Talaadadii iyo Arbacadii kulan-tashi heer sare ah la yeeshay hoggaanka Pentagon-ka, CIA-da, iyo Aqalka Cad, sida ay sheegeen laba mas’uul oo Maraykan ah.
Booqashada jenaraalka ayaa lagu sheegay inay diiradda saaraysay gudbinta xog sirdoon oo gaar ah oo ay codsatay maamulka Trump, taas oo ay ku jireen macluumaad ku saabsan bartilmaameedyo suurtagal ah oo laga beegsan karo gudaha Iiraan.
Dhanka kale, Wasiirka Difaaca Sacuudiga Amiir Khalid bin Salman ayaa la filayaa inuu xoogga saaro waddooyin diblomaasiyadeed inta lagu jiro kulamadiisa Khamiista iyo Jimcaha uu la yeelanayo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, ergayga Steve Witkoff, iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Difaaca Maraykanka.
Sacuudi Carabiya, oo door ka ciyaaraysay gudbinta farriimo u dhexeeya Washington iyo Tehran, ayaa horay u sheegtay inaysan oggolaan doonin in Maraykanku isticmaalo hawadeeda haddii weerar la qaado.
Xiisaddan diblomaasiyadeed waxay imanaysaa xilli markabka dagaalka USS Abraham Lincoln uu soo gaarayo si loo dhammaystiro “ciidan badeed” uu Madaxweyne Donald Trump dhowaan ku tilmaamay mid “ka weyn” kii hore loogu diray dhanka Venezuela.
“Tilmaanta hadda jirta waa in la diyaar garoobo,” ayuu yiri mas’uul Maraykan ah, taasoo muujinaysa in madaxweynuhu si degdeg ah ugu dhowaanayo go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan tallaabo milatari.
Labada dhinac midkoodna ma bixin macluumaad rasmi ah oo ku saabsan kulamada socda ee ay warbaahintu tabisay.
Trump ayaa Iiraan ugu baaqay inay heshiis ka gaarto barnaamijkeeda nukliyeerka inta aysan goor dambe noqon, isagoo ka digay in markan weerarku noqon doono “mid aad uga daran.” Maraykanku wuxuu bishii Juun 2025 duqeeyay saddex xarumood oo nukliyeer ah oo Iiraan leedahay intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday ee u dhexeeyay Tehran iyo Israa’iil.
Iiraan waxay sheegtay in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid rayid oo nabadeed, balse Reer Galbeedku waxay ku doodayaan inay horumarinayso hub nukliyeer ah. Maraykanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay barnaamijka gantaallada ballistic-ga ee Iiraan.
Arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Iiraan ka jiraan rabshado iyo mudaharaadyo la xiriira xaalad dhaqaale oo sii xumaanaysa, taasoo ka dhalatay hoos-u-dhac xooggan oo ku yimid qiimaha lacagta dalka.
