Heemaal News Network

Maxay Cunaan Cirbixiyeenadu Inta Ay Hawada Sarre Joogaan.

Tani iyo marki aadanuhu billaabay inuu hawada sare tago waxaa sii kordhayey tirada dadka hawada sare toddobaadyo iyo bilooyin ku soo maqnaada. Dadkaasi inta ay dayaxa ama hawada sare ku maqan yihiin si la mid ah dadka dhulka joogo waxay u baahan yihiin wax ay cunaan iyo wax ay cabbaan.

Balse waxa ay dadkaasi cunaan iyo sida ay u cunaan intaba wey ka duwan yihiin dadka dhulka jooga.

Haddaba su’aasha meesha taalla oo inta badan la isweydiiyo waxay tahay cirbixiyeennadu inta ay hawada sare ku maqan yihiin maxay cunaan, sideyna u cunaan?

Haddaba barnaamijka ‘BBC Food Chain’ oo la kulmay haweeney cirbixiyeen ah oo lagu magacaabo Nicole Stott oo horay uga tirsaneyd Hay’adda Mareykanka u qaabilsan dhinaca hawada ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaanno NASA si ay su’aalaha arrimahaasi ku gadaaman ay uga jawaabto.

“Waxaan u xiisay Pizza”

”Marweiba waxaan ka fikiri jiray Pizza,” ayey tiri Stott oo laba jeer hawada sare aadday marki ugu dheeraana ku maqneyd 100 maalmood, waxayna sheegtay waxa inta hawada sare la joogo ay cirbixiyeennadu cunaan iney tahay cunta dhulka lagu diyaariyey oo iyada oo diyaarsan ay sii qaateen.

“Inta aan hawada sare ku maqnaa marwalba waxaan dareemaya dhadhanka Pizzaha waxaanna ku taami jira halka aan joogo inaan Pizza wax walba ay u dhan yihiin aan cuno,” ayey tiri.

Balse nasiib darro cuf-jiidadka (gravity) hawada sare ka jira ayaa diidaya in wax kasta oo bur ka sameysan ay cirbixiyeennadu cunto ahaan u qaataan.

”Xilliga qureecda baddalka rootiga waxaa la isticmaalaa ukun biyo lagu kariyey, ukun aan aad loo bisleyn, caano iyo subag. Halka xilliga qadadana la isticmaalo Maraqa noocyadiisa kala duwan, Cashadana aan isticmaalno cuntada aan aadka u jecelahay ee Digaagga aan qallalneen ee suugada leh,” ayey tiri.

Hawada sare cirbixiyeennada ku sugan marka ay wax cunayaan si aad ah ayey ugu madadaalaan maadaamaa cuf-jiidad uu jirin oo ay cuntada iska heehaabeyso qofkana uu afka ku aaddiyo.

Suxuunta biraha ama dhobka ka sameysan hawada sare lagama isticmaalo baddalkooda waxaa la isticmaalaa agab kale oo si gaar ah loo sameeyey miisaankooduna aad u yar yahay.

Cunnooyinka inta badanna waa kuwa sijil ah oo qofka inta uu isticmaalin uu iska kululeynayo.

Biyo horay loo isticmaalay, in markale la isticmaalo

Dayax gacmeedka cirbixiyeennada ay hawada sare ku tagaan maadaamaa cleyska badan aan loo oggoleyn wuxuu qadaa biyo aad u yar.

Maadaamaa biyaha mar la isticmaalo nidaam sahlaya in markale dib loo isticmaalo uu halkaasi k ajiro.

Waxaana dayaxgacmeedka ku xiran qalab loogu talo galay in biyaha la isticmalau uu dib u sifeeyo kaddib uu u diyaariyo si markale loo isticmaalo.

Biyahaasi dib loo isticmaalo oo laga helo gaaska hawada, biyaha ay marwaaxaduhu dhaliyaan iyo kaadida cirbixiyeennada oo dib loo sifeeyey.

Waxaa laga yaabaa dadka qaar marka ay maqlaan kaadi la sifeeyey ayey cirbixiyeennadu cabbaan iney dhibsadaan, balse Hay’adda NASA waxay xaqiijisay biyahaasi iney xataa ka nadiifsan yihiin biyaha dhulka laga isticmaalo qaarkood.

Caqabadaha caafimaad

Cirbixiyeennada muddooyinka ku maqnaada xaruumaha hawada sare waxaa inta badan ay sii qaataan khudaar iyo miro ku filan.

Waxaa jira, dabcan, khataro caafimaad oo halis ah oo laga qaado cuntooyinka ay cirbixiyeennadu isticmaalaan, inkasta oo cuntooyinkaasi ay yihiin kuwa nafaqeysan.

NASA waxay xaqiijisay caafimaad darradu iney ka timaaddo jawiga hawda sare iyo jirka bani aadamka sida uu u shaqeeyo oo iskhilaafo.

“Caafimaad darrada ay cirbixiyeennadu la kulmaan waxaa ka mid ah miisaankooda oo hoos u dhaca iyo lafahooda oo jilca,” ayuu yiri Scott Smith oo NASA u qaabilsan cunnooyinka nafaqada leh.

Jirka meel bannaani waxa uu maraa habsocod da’da ah oo la dadajiyay, “ayuu yiri Scott Smith, madaxa nafaqeynta ee NASA, sababo la xiriira arrimo caafimaad sida miisaanka oo yaraada iyo lafaha oo luma.

Cirbixiyeennadu hawada sare markay ka soo noqdaan waxa ay cunaan

Cirbixiyeennadu marka ay dhulka ku soo laabtaan inta badan waxay jecel yihiin iney cunaan cunnooyinka ay u xiiseen oo hawada sare inta ay ku maqnaayeen ay helin.

Inta badanna waxay jecel yihiin shokolaatada, qaraha ama xabxabka iyo khamriga laga sameeyey canabka.

Hay’adda hawada are u qaabilsan mareykanka ee NASA iyo Hay’adda hawada sare ee Canada CSA waxay haatan ka wada shaqeyn hayaan sidi ay u soo saari lahaayeen xirmooyin cunno isu dhellitiran oo ay cirbixiyeennadu isticmaali karaan caafimaadkoodana u wanaagsan.

 

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dadkii Ku Dhintay Shilalka Hawada Sarre Sidee Loo Aasay.

Heemaal

Konton Sanno Kadib Maraykanka Oo Dayax Gameed Ka Dajiyey Koofurta Dayaxa

Heemaal

Dayax Gacmeed Ay Gabdho Kali Ahi Sameeyeen.

Heemaal