Heemaal News Network

Dayaaradaha Dagaalka Israiil Oo Dimishiq Ku Dilay 5 Sarkaal Oo Iiraaniyiin Ah

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in shan ka mid ah xubnahooda lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday caasimadda Suuriya ee Dimishiq.

Warbaahinta ay maamusho dowladda Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in weerarka oo dhacay Sabtidii uu ka dhacay xaafadda Mazzeh. Waxay sheegtay in “gardarrada Israa’iil” ay bartilmaameedsatay dhismaha.

Bayaan hore oo ay IRGC soo saartay ayay ku sheegtay in dadka la dilay ay kala ahaayeen Hojjatollah Omidvar, Ali Aghazadeh, Hossein Mohammadi iyo Saied Karimi, iyadoo aan lala wadaagin warbaahinta darajooyinkooda.

Ka dib, IRGC waxay xaqiijisay in xubin shanaad oo ka tirsan ciidamada uu sidoo kale uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerarka, waxaana lagu magacaabi jiray Mohammad Amiin Samadi, warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay.

Kooxaha caalamiga ah ee la socda dagaalka ayaa sheegay in 10 qof ay ku dhinteen weerarka Israel

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Nasser Kanani ayaa sheegay in Tehran ay ka jawaabi doonto “waqtiga iyo goobta ku habboon”, wuxuuna cambaareeyay “kordhinta weerarrada gardarada ah iyo daandaansiga” ee Israa’iil.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xamaas Oo soo Bandhigtay Haween ka tirsan la Heystayaasha Israaiil

Heemaal

Dagaalyahanada Xisbullah Oo 60 Gantaal ku Garaacay Gudaha Israel.(Sawirro)

Heemaaln

Jaamacada Carabta Oo Galka seefta Ka Saartay Una Badheedhay Marykanka Iyo Xulafadiisa

Heemaal