Heemaal News Network

Jaamacada Carabta Oo Galka seefta Ka Saartay Una Badheedhay Marykanka Iyo Xulafadiisa

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu soo saaro go’aan lagu joojinayo duullaanka khasaaraha badan dhaliyay ee Israa’iil ay ku hayso Qaza.

Baaqan ayaa yimid ka dib kulan degdeg ah oo ay yeesheen hay’adda fadhigeedu yahay Qaahira ee heerka wafuuda joogtada ah kadib codsi uga yimid Falastiin si looga wada hadlo siyaabaha lagu joojinayo dagaalka Israel, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 25,000 oo qof tan iyo 7 Oct.

Qaraar uu qaatay ururka Carabta ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay “inay qaataan mas’uuliyadahooda si ay u ilaaliyaan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah, iyo inay qaataan go’aan adag oo lagu joojinayo dembiyada baahsan, ee nidaamsan ee Israel ka geysanayso dadka Falastiiniyiinta.”

Waxa ay sidoo kale ku boorisay Maraykanka iyo wadamada “kuwa raacaya heerarka labanlaabka ah oo taageera gardarrada Israa’iil ee gudaha Golaha Ammaanka, si ay u raacaan mawqifyada waafaqsan sharciga caalamiga ah si loogu baaqo xabbad-joojin dhamaystiran oo ka waarta Gaza.”

Jaamacadda Carabtu waxay ku baaqday inay waajib ku tahay Israa’iil “inay joojiso gardarrada ay ku hayso dadka reer Falastiin, inay ka baxdo Marinka Qaza, oo ay ka qaado go’doominta ayna xakamayso qorshaheeda iyo dadaalkeeda ay doonayso inay ku barakiciso qasabka ah”.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Israel Oo Duqeysey Xarunta Q/Midoobay Ee Khan Younis, ka Dibna Dafirtay.(Sawirro)

Heemaal

Xamaas Iyo Islamic Jihad Oo Afar Shardi Ku Xidhay Wadahadala Dadban Ee Yuhuuda

Heemaal

Ciidanka Israel Oo ka baxay Khan Younis ka dib Dagaalo Faraha Looga Gubtay (Sawirro)

Heemaaln