Heemaal News Network

Wasiir Amichai Oo Mar Kale Ku Ceshey In Nukliyeer Lagu Dhufto Gaza Aama Dadka Laga Raro

Wasiirka Dhaxalka ee midigta-fog ee Israel Amichai Eliyahu ayaa dib u cusbooneysiiyay baaqiisa ahaa in Gaza lagu duqeeyo “bam nukliyeer ah.”

“Xitaa Hague way garanayaan mawqifkayga,” Wargeyska The Times of Israel ayaa ka soo xigtay Eliyahu isagoo ku guda jira socdaal uu ku tagay magaalada la haysto ee Daanta Galbeed ee Hebron Arbacadii, isaga oo tixraacaya baaqiisii hore ee ahaa in hubka Nukliyeerka ah loo isticmaalo Gaza.

Bishii Nofembar, Eliyahu wuxuu sheegay in “bamka Nukliyeerka” lagu tuuro Gaza ay tahay “doorasho.”

Wasiirka mayalka adag, oo leh hadallo xag-jir ah oo ka dhan ah Falastiiniyiinta, ayaa sidoo kale ku baaqay in lagu dhiirrigeliyo dadka Gaza inay ka haajiraan dhulka go’doonsan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ciidamada Israel Oo Saacado yar Gudahood ku Dhowaad 100 Qof ku Xasuuqay Gaza

Heemaaln

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dadaalada Xabad joojinta Looga Hirgelinayo Dagaalka Gaza

Heemaaln

Gargaar Ku Wajahan Gaza Iyo Fawdo Ka Dhalatay 15 Gaadhi Ee Ugu Horeeyey

Heemaal