Heemaal News Network

Wasiir Israel ah Oo Eedeyn Culus u jeediyey Biden (Wuxuu taageeraa Xamaas)

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaan si buuxda u taageersanayn hadafyada Israel ee dagaalka ay kula jirto Xamaas ee Marinka Gaza, sida uu wargeyska Wall Street Journal u sheegay wasiirka amniga qaranka midigta fog ee Israa’iil Itamar Ben Gvir.

“Halkii uu na siin lahaa taageero buuxda, Biden waxa uu ku mashquulsan yahay bixinta gargaarka bini’aadantinimo iyo shidaalka (Gaza), taasoo taageereysa Xamaas, “ayuu yiri.

“Haddii Trump uu xukunka hayo, dhaqanka Maraykanku gabi ahaanba wuu ka duwanaan lahaa sidan,” ayuu yiri Ben Gvir, oo ah madaxa xisbiga awoodda Yuhuudda ee waddaniga ah.

Benny Gantz, wasiirkii hore ee gaashaandhigga, xubinna ka ahaa golaha wasiirada dagaalka ee Israa’iil, ayaa dib u weeraray Ben Gvir, isaga oo ku tilmaamay hadaladiisa “mas’uuliyad darro” qoraal uu soo dhigay bartiisa X wuxuu ku booriyay Netanyahu inuu talaabo ka qaado wasiirkan.

“Waa la ogol yahay in khilaaf la dhex dhigo, xitaa saaxiibkayaga ugu weyn uguna muhiimsan (Maraykanka), laakiin waa in lagu qabtaa golayaasha khuseeya ee maaha in lagu sameeyo hadalo mas’uuliyad darro ah oo warbaahinta laga sheego, kuwaas oo dhaawacaya xiriirka istiraatijiyadeed ee dawladda Israa’iil., Amniga Qaranka, iyo dadaalka dagaal ee xilligan,” ayuu yiri.

Madaxa mucaaradka Yair Lapid ayaa sidoo kale dhaleeceeyay hadalka Ben Gvir isagoo sheegay in wareysigu uu ahaa weerar toos ah oo ka dhan ah mowqifka caalamiga ah ee Israa’iil, weerar toos ah oo waxyeello u geysanaya ammaanka Israel” ayuu yiri

Netanyahu ayaa waxaa saaran cadaadis dhan walba ah, iyadoo khilaafka ka dhex jira isbahaysigiisa iyo golaha wasiirada dagaalka ay ku hanjabayaan inay dowladda gaarsiin doonaan meel burbur ah, waxaana isu soo baxyo waaweyn oo dalka ka dhacay ay ku dalbanayaan inuu xilka ka dago oo uu dalka u diro doorasho.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Mareykanka Oo Dhaleeceeyey Weerarkii Lagu Laayey Saraakiisha Imaaraadka

Heemaaln

Hoggaamiyaha Xamaas Oo ka Hadlay Cilka Ciidamada Israel u Geysteen Caruurtiisa

Heemaaln

Dad ka Badan 50 Qof Oo ku Dhintay Dab weyn Oo ka kacay keymaha..(Sawirro)

Heemaaln