Heemaal News Network

Xamaas Oo soo Bandhigtay Haween ka tirsan la Heystayaasha Israaiil

Muuqaal cusub oo ay baahiyeen garabka mintidka ah ee Xamaas ee Al Qassam Brigades, ayaa muujinaya saddex dumar ah oo Israa’iiliyiin ah oo la haysto, iyagoo isku dayaya inay sare u qaadaan cadaadiska ay ku hayaan hoggaamiyeyaasha Israa’iil xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in heshiis is dhaafsi maxaaiis ah uu miiska saaran yahay.

Muuqaalkan oo lagu sii daayay Telegram-ka, ayaa waxa uu ku furmay muuqaal ah muraayad saacad ah oo ay ku dul sawiran yihiin saddexda dumarka ah sawiradooda

“Waqtigu wuu dhammaanayaa, in ka badan 107 maalmood ayaa ka soo wareegay, fadlan na badbaadiya” ayey tiri mid ka mid ah la heystayaasha Kadib, waxa jiray muuqaallo la tafatiray oo mid kasta oo ka mid ah saddexda la haystayaal oo hadlaya.

Askar sagaal iyo toban jir ah Karina Ariev iyo Daniel Gilboa, iyo Doron Steinbrecher oo 30 jir ah ayaa ugu baaqay dawladda Israa’iil in la sii daayo.

Fiidiyowgan ugu dambeeyay, sida muuqaaladii hore ee la haystayaasha ee kooxda xagjirka ah, waa mid si heer sare ah loo soo saaray loona habeeyey.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Mareykanka Oo ka Hor-yimid Qaraar kale Oo Xabad joojin Looga Hirgelinayo Gaza

Heemaaln

Falcelinta Go’aanka Maxkamada Caalamka ee Kiiska Falastiin

Heemaal

Israel Oo si Kulul Uga Carootay Hadal ka soo Yeeray Baaderi ka Tirsan Vaticanka

Heemaaln