Heemaal News Network

Israel Oo si Kulul Uga Carootay Hadal ka soo Yeeray Baaderi ka Tirsan Vaticanka

Israa’iil ayaa si kulul u cambaaraysay kaniisada Vatican-ka ee diinta masiixiga hadallo uu yiri masuul ka tirsan, kaasoo ku tilmaamay dagaalka Israa’iil ee Qaza xasuuq aan xad lahayn”.

Xoghayaha arrimaha dibadda Vatican Holy See Pietro Parolin ayaa hadalkan ka sheegay xaflad soo dhawayn ah oo loogu dabaal degayay sanadguuradii ka soo wareegtay markii magaalada Vatican loo aqoonsaday dawlad magaalo madax banaan.

Wuxuu dhaleeceeyay weeraradii Oktoobar 7 iyo dhammaan noocyada nacaybka laakiin wuxuu su’aal galiyay in falcelinta Israa’iil ay tahay mid ku habboon.

“Xuquuqda Israa’iil ee is-difaacidda ma ahan in 30,000 oo qof ay xasuuqdo,” ayuu yiri.

Israa’iil waxay ku tilmaantay hadalka Parolin “wax laga xumaado” ka dib bayaan ay soo saartay”

“Xakamaynta sharcinimada dagaalka iyadoo aan la tixgalinin dhammaan duruufaha khuseeya iyo xogta ayaa si lama filaan ah u horseedaysa gabagabo khaldan,” ayaa lagu yiri bayaanka Israel.

“Gaza waxa u beddelay saldhigga argagixisada ee ugu weyn abid kooxda Xamaas Ma jirin wax kaabayaal rayid ah oo aanay Xamaas u isticmaalin qorshayaasheeda dembiyeed” ayaa lagu yiri bayaanka

Bayaanka ayaa intaa ku daray in jawaabta Israel ay si buuxda u waafaqsan tahay sharciga caalamiga ah iyo in “saddex qof oo rayid ah ay naftooda ku waayeen dagaalyahan kasta oo Xamaas ah oo la dilo.”

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Israel Oo Bartilmaamedsatay Kuna Xasuuqday Caruur Xerada Qaxootiga Ee Nuseirat

Heemaal

Baarlamaank Turkiga Oo Swedan U Ogolaaday In Ay Ku Biirto NATO

Heemaal

Ciraaq Oo Qaadeysa Talaabo ka Dhan ah Ciidamada Mareykanka Ee Dalkeeda jooga

Heemaaln