Heemaal News Network

Falcelinta Go’aanka Maxkamada Caalamka ee Kiiska Falastiin

Koofur Afrika

Isagoo hadlayay kadib go’aankii maxkamadda ee codsiga uu dalkiisa keenay, Ramaphosa waxa uu sheegay in Koonfur Afrika ay rajaynayso Israa’iil, “oo dimoqraadiyad isku sheegta, iyo dawlad ixtiraamaysa sharciga,” inay u hoggaansamaan xukunka.

“Qaar ayaa nagu yiri waa inaan ka fikirno ganacsigeenna oo aynaan ku lug yeelan arrimaha dalalka kale, haddana waa meesha aan ku noolnahay haddaan nahay dadka si fiican u garanaya xanuunka hanti-la’aanta, takoorka, rabshadaha ay dowladdu maalgeliso,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in go’aanka kadib ay tahay in dadaal dheeri ah la galo sidii xabad joojin loo sameyn lahaa, iyo in colaada lagu soo afjaro xal laba dowladood ah oo Falastiiniyiinta ay helaan aayo ka tashi.

Midawga Yurub

Midowga Yurub ayaa daabacay falcelintii ugu horreysay ee go’aanka ICJ ee ahaa in Israa’iil ay qaado dhammaan tallaabooyinka looga hortagayo falalka xasuuqa ee Gaza.

“Amarrada Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waa mid waajib ah,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay midowga Yurub, iyadoo ku dartay qolyaha ay ku jiraan waa inay u hoggaansamaan iyaga.

“Midowga Yurub waxa uu filayaa in si buuxda, degdeg ah oo wax ku ool ah loo fuliyo,” ayaa lagu yidhi hadal kooban.

Israel

Mark Regev, oo ah la taliyaha sare ee ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Koonfur Afrika “ay ku guuldareysteen inay ka soo baxaan ujeeddooyinkoodii” ee ahaa inay ku qasbaan xabbad-joojin colaadda Israa’iil iyo Gaza.

“Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in maxkamaddu ay diiday dalabka yaabka leh ee Koonfur Afrika, ee ah in Israa’iil aan la siin xaqa ay isku difaacdo,” ayuu Regev u sheegay BBC.

Regev waxa uu sheegay in Israa’iil aysan tilmaamin in aysan raaci doonin awaamiirta Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda balse waxa uu sheegay in ay tahay “wax laga xumaado” iyo “wax laga xishoodo” in heshiiska looga hortagayo xasuuqa ay Xamaas u maroorsato Koonfur Afrika.

Waxa uu intaa ku daray in jawaabta Israel ay ka bixisay weeraradii 7-dii October ay ahayd “isku-duwidda sharciga caalamiga ah” wuxuuna su’aal galiyay tirada dhimashada Gaza ee ku dhawaad ​​26,000 oo qof – isaga oo sheegay in ay ka timid wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho iyo in garsoorayaasha ICJ laftoodu ay sheegeen in aysan jirin waddo si loo xaqiijiyo lambarkaas.

“Waxaan hubnaa ka Israa’iil ahaan in tiro badan [dadka lagu dilay Gaza] ay yihiin dagaalyahanno, sidaas darteedna bartilmaameedyo sharci ah oo loogu talagalay howlgalka milatari ee Israel”.

 

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ciidamo Ruush Ah Oo Ka Dagay Galbeedka Afrika Kadib Markii Reer Galbeedka Lag Eryey

Heemaal

Waa Tuma Haweenayda Ku Galgalatay Kiiska Falastiin Ee Maxkamada Caalamka

Heemaal

Turkiga Oo Diiday Eedaymaha Loo Soo Jeediyey Ee In Wada Shaqayn Milatari Leeyiihin Yuhuuda

Heemaal